Kenyatiga oo ka barakacaya magaalada Mandheera ee xadka Soomaaliya

Kenyatiga oo ka barakacaya magaalada Mandheera ee xadka Soomaaliya

daajis.com:- Dadka aan soomaalida aheyn ee Kenyatiga ah ayaa bilaabay in ay ka qaxaaan gobolka ay soomaalidu dagto, gaar ahaan magaalada Mandheera oo dhawaan ay Al-Shabaab ku dileen 28-ruux kuwaas oo ay bas kala dageen. 


Boqolaal dad ah oo ka shaqaynayay magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa ku qaxay garoonka ciidammada cirka ee Kenya, kaddib markii magaaladaasi lagu weeraray bas laguna dilay 28 qof sabtidii.

Intabadan dadkaasi dul dagay garoonka waa dadka kenyatiga ah ee aan muslimka ahayn, waxayna sheegeen in ay ka cabsiqabaan in ay waxyeelo ka soo gaarto ururka Al-Shaab.

Ururka ay ku midaysansan yihiin shaqaalaha Kenya ayaa ku baaqay in macalkimiinta iyo shaqaalaha caafimaadka ay isaga soo tagaan magaalada Mandhera iyo qaybaha kale ee waqooyi bari Kenya.

Dhamaan duulimaadyada iyo basaska Mandheera ka soo baxaya ayaa buuxa oo aan lahayn meel laga soo raaco.

Sabtidii Al-shabaab ayaa weeraray bas, waxayna u kala sooceen rakaabkii saarnaa Muslimiin iyo gaalo, iyga oo madaxa ka toogtay dadkii kenyatiga ahaa ee aan muslimiinta ahayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada