Xildhibaanadii mooshinka keenay oo shir jaraa'id qabtay (VIDEO)

Xildhibaanadii mooshinka keenay oo shir jaraa'id qabtay (VIDEO)

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka wada Xukuumada ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo ahaa in ajandaha mooshinka uu dib u dhigay ilaa laga xalinayo khilaafka iyo xasilooni darada ka dhex taagan fadhiyada Baarlamaanka.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa mudanayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka aanu is qabaneyn, isla markaana mooshinka ay ka keeneen Xukuumada uu soo maray marxaladihii looga baahnaa.

“Mooshinka Xildhibaanada keenay ee tiradooda aheyd 138-marxaladihii sharciga ahaa ayuu soo maray, Gudoonka Baarlamaanka wuxuu ku muujiyay qoraal in mooshinka sharci yahay, uuna la yaalo Baarlamaanka, marka waxaa rabnaa Gudoomiyaha inuu sharciga iyo xeer hoosaadka uu heysto inuu ku dabaqo Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Cirro.




Waxaa uu sheegay in hadii ay yihiin aqlabiyada baarlamaanka ay degenaan muujiyaan, isla markaana aanay carqalad ka sameyn baarlamaanka, waxaana uu xusay in dhinaca kale ee carqalada ka waday Baarlamaanka ay ahaayeen kuwo tiro yar, isla markaana Gudoonka laga doonayo inuu wax ka qabto oo uu sharciga adeegsado.

“Ma ahan in qoraal kaliya lagu dhaho waxaa jirta xasilooni daro, Gudoomiyuhu wuu heystaa xeer hoosaadka waana inuu taas ku dhaqmaa, waxaa leenahay raga kale ee saaxibadeena ah hadey tiro hayaan ha yimaadeen maalinta axada”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Gudoonka Baarlamaanka oo go’aankiisa ku sheegay in mooshinka la qeybiyay, isla markaana shalay uu saddex jeer uu weydiiyay xildhibaanada in mooshinka la qeybiyay, uuna cayimay mudada la qabanayo dooda mooshinka oo ah Maalinta Axada oo taariikhda ku beegan tahay 30-ka bisha.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in aanay raali ka aheyn in waqtigii uu Gudoomiyaha mudeeyay ee mooshinka laga doodayo in dib loo dhigo, isla markaana aanay jirin cid meesha ka saari karta mooshinka ay wadaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inuu garan la’yahay sababta Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xeer hoosaadka u adeegsan la’yahay, isla markaana gacmihiisa ku jira, waxaana uu xusay in aanay raali ka noqoneyn tiro yar inay isbaaro dhigtaan oo ay fowdo iyo buuq sameeyaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada