Maxkamad ku taal Qaahira oo dambi ku weysay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak

Maxkamad ku taal Qaahira oo dambi ku weysay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak

daajis.com:- Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ayaa maanta dambi ku weysay eedeymo loo heystay Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, kadib markii lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay dilka dibad baxayaal sanadkii 2011.

Dacwada loo heystay Mr Mubaarak ayaa waxaa ka mid aheyd inuu lacago ka qaatay nin ganacsade ah oo dhismayaal ka fulinayay dalka Masar iyo in Gaaska dabiiciga Masar uu ka iibiyay Israel, waliba qiimo ka hooseeya kan lagu iibiyo.

Madaxweynihii hore ee Masar ayaa waxaa Maxkamada lala soo taagay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha, nin ganacsade ahaa iyo labo wiil oo uu dhalay.

Xusni Mubaarak ayaa Maxkamad lagu keenay, isagoo sariir saarnaa, maadaama xaalado caafimaad daro la soo derseen, isagoo 86 jir ah, waxaa uu taageerayaashiisa u gacan haatinayay isagoo sariirta jiifay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ayaa markii uu ku dhawaaqay in lagu waayay wax dambi ah, waxaana qolka Maxkamada ka dhacay sacab iyo mashxarad, iyadoo taageerayaal ku sugnaa dibada Maxkamadana oo watay sawirka Xusni Mubaarak iyo funaanado ay ku buufisnaayeen sawirkiisa ay aad u dabaal degeen.




Laakiin dadka ka soo horjeeday Mr Mubaarak ee dadkooda ku dhintay dibad baxyada ayaan ku farxin go’aanka Maxkamada, kuwaasoo sheegay in aanay xukunkan aheyn mid cadaalad ah, waxaana qaarkood ay ku gal galsheen dhulka, iyagoo ku dhawaaqayeen erayo ka dhanka ah Xusni Mubaarak iyo inuu ka dambeyay dilka boqolaal dibad baxayaal ah oo ka soo horjeeday nidaamkiisa sanadkii 2011.

Madaxweynihii hore ee Masar ayaa wali iskiis u madax banaaneyn, waxaana la filayaa in bilooyinka soo socda Maxkamad la soo taago, isagoo loo heysto dacwado ay ka mid yihiin is daba marin.

Sanadkii 2011 ayay aheyd markii uu bilowday kacdoonkii loogu magac daray Guga Carabta, kaasoo suura geliyay in hogaamiyeyaal badan oo carbeed oo xukunka hayay sanooyin badan in xukunka laga tuuro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada