Welbeck Oo Markale Guul U Horseeday Arsenal, Xili Ay West Brom Gurigeeda Ku Soo Garaacday

Welbeck Oo Markale Guul U Horseeday Arsenal, Xili Ay West Brom Gurigeeda Ku Soo Garaacday

daajis.com:- Arsenal ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda West Brom oo ay marti ugu ahayd gurigeeda. Arsenal ayaa 1:0 saddex dhibcood oo muhiim ah kaga soo qaadatay West Brom. Danny Welbeck ayaa goolka kaliya ee ay Arsenal ku badisay u dhaliyay.

Kooxda Arsenal ayaa marti u ahayd kooxda West Brom waxayna Gunners ka fikiraysay inay dib ugu soo laabato tubta guusha kadib markii ay guuldarooyin is-huwani ka soo gaadheen kooxaha Swansea City iyo Man United. inkasta oo ayna wax gool ah dhalin qaybtii hore ee ciyaarta ayay haddana Arsenal qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican. qaarka mid ah jamaahiirta Arsenal ayaa sitay boodhan ay ku dalbanayaan in tababare Wenger uu kooxda iskaga tago, waxaana ka mid ahaa siwirkan hoose.


Danny Welbeck iyo Santi Cazorla ayaa Gunners qaybtii hore ee ciyaarta ka qasaariyay fursado goolal loo fishay, goolhaye Ben Foster ayaana u muuqday inuu kalsooni badan ku ciyaarayay.Arsenal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta samaysay fursado badan balse waxay ku guuldaraysatay inay xataa hal gool ku hormarto. ugu danbayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.



Markii layskugu soo laabtay qabtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal  halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa waxayna fursado badan kadib goolka kowaad la timid daqiiqadii 60 aad . Santi Cazorla ayaa difaaca midig soo jabsatay wuxuuna kubbad min qiyaas ku socota goolka u soo hordhigay Danny Welbeck kaas oo aan markan wax qalad ah samayn , fursadaa ayuuna Welbeck Gunners  gool madax ah hogaanka ugu dhiibay. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Daqiiqadii 81 aad ayay West Brom ku sigatay inay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu Berahino birta u garaacay.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1:0 ay Arsenal saddexda dhibcood ku soo urursatay.Jamaahiirta Gunners ayaa muujiyay siday uga niyada jabsan yihiin tababarahooda Wenger waxayna maanta soo qaateen boodhan ay ku soo xardheen halku dhigyo ka dhan ah Wenger.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada