Gudoonka Baarlamaanka oo shaaciyay xilliga uu dib u furmayo kulamadii Baarlamaanka iyo dooda mooshinka

Gudoonka Baarlamaanka oo shaaciyay xilliga uu dib u furmayo kulamadii Baarlamaanka iyo dooda mooshinka

daajis.com:- Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow go’aan ka soo baxay ayaa lagu faah faahiyay wada hadalo iyo wada tashiyo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa nidaamo daro iyo xasilooni daro soo wajahday Kulamadii Baarlamaanka.

Warkan ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada uu dhici doono kulanka Baarlamaanka oo taariikhda ku beegan 2-da bisha December, isla markaana la guda geli doono mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali.

Sidoo kale Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinka iyo doodiisa la soo afjari doono 6-da bisha oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota, taasoo macnaheeda yahay in codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumada

Gudoonka Baarlamaanka ayaa garwaaqsaday in lagu soo celiyo degenaansho kulamadii Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay labadii garab ee Xildhibaanada ahaa ee maalmahan wada hadalada lala galayay sidii xal looga gaari lahaa kulamadii Baarlamaanka ee buuqa iyo fowdada hareeyay.

Hadaba Go’aanka ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka halkan hoose ka akhriso:-

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada