VIDEO:- Deegaanka Heemo ee Gobalka Mudug oo laga hirgaliyay garoon diyaaradeed oo cusub

VIDEO:- Deegaanka Heemo ee Gobalka Mudug oo laga hirgaliyay garoon diyaaradeed oo cusub

daajis.com:- Diyaaradii Ugu horeysay oo lagu tijaabinayo Garoonka diyaaradeed oo cusub ayaa laga hirgaliyay deegaanka Heemo ee Gobalka Mudug.

Furitaankii Garoonkan waxaa ka soo qayb galay maamulka gobalka Mudug, kan dagmada Galkacyo, nabadoono waxgarad cuqaal culuma udiin dhamaantood waxayna u riyaaqeen garoonkan cusub oo ku soo biiray garoomada Puntland.



Garoonkan cusub waxaa hirgeliyey oo dhaqaalaha ku baxay fududeeyey Sheikh Maxamed Sh. C/laahi Baardheere oo horay u rajeeyey Aabbihii Sh. C/laahi Baardheere in mar un Heemo yeelanayso garoon u gaar ah xiligaas oo ahayd sanadku ahaa 1994.



Garoonkan oo baaxad weyn waxay dowladda Puntland ogolatay in laga hirgeliyo ayna ka soo degto diyaaradii u horaysay oo tijaabo ah oo ay saarnaayeen wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Sheikh Maxamed C/laahi Baardheere oo hadal kooban furitaanka ka jeediyey ayaa Sheegay in u garoonkan diyaaradeed uu yahay garoonka ka dhaxeeya umada Soomaaliyeed kana mid yahay garoonada ay gacanta ku hayso Dowlada Puntland.

Dhina kale waxaa soo dhaweeyey wafuudii ka qayb galay furitaanka Garoonka oo iskugu jira maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada, Culuma u diinka Heema, Wafdiga QM iyo Odayaal dhaqameedka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada