Daawo Sawirada:- Gabar 14-sano jir ah oo lagu riday Xukun dil ah kadib markii ay dishay Ninkeeda

Daawo Sawirada:- Gabar 14-sano jir ah oo lagu riday Xukun dil ah kadib markii ay dishay Ninkeeda

daajis.com:- Gabar 14 jir ah u dhalatay dalka Nigeria lugana magacaabo Wasilat Tasi'u ayee maxkamad ku xukuntay xukun dil ah, kadib markii gabadhan lagu helay in ay dishay ninkeeda oo 35 sano jiro luguna magacaabi jiray Umar Sani.

Gabadhaan yar ayaa u adeegstay falka ay ninkeeda ku dishay sunta lagu dilo dooliga ama (jiirka), taas oo ay ugu soo dartay cunto, waxaana suntaasi u dhintay ninkeeda . 

Wasilat Tasi'u iyada oo aan ku qanacsaneen guurka ninkan ayaa si qasab ah ugu daray aabeedka maadaama ay ahaayeen qoys aad u tabar yar oo dagnaa dhul baadiye ah.

Raashiinka la sumeeyay kaliya kuma dhiman ninka gabadha 14 jirka ah qabay balsa waxaa sidoo kale u dhintay 3 ruux kale oo raashiinka wax ka cunay.

Dad marqaatiyaal ah oo la soo taagay maxkamada xukanka riday oo ku taalada Gezawa oo ah magaalo yar una jirta 60 mell magaalada Kano ayaa ku hor cadeeyay in Tasi'u ay ninkeeda sun ugu dartay cuntada sidaasna uu ku geeriyooday.

Aabaha dhalay gabadha ayaa ka codsaday maxkamad xukanka dilka ah ku riday gabadhiisa in dib u eegis lagu sameeyo xukunkan.

Gabdha 14-sano jirka ah ayaa dishay ninkeeda markii ay is qabeen mudo laba isbuuc oo kaliya iyaga oo guurkoodu dhacay bishii April ee sanadkan.

kata Zubeida Nagee oo ah nin u ulaleeya xuquuda hablaha ayaa sheegay in gabadha lagu qasbay guurka uuna warqad uu kaga cabanayo xukunka dilka gabadha yar uu u diri doono maayerka magaalada Kano ee Dalka Nageria.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada