Daawo Sawirada:- ku Dhawaad 100-qof oo ku dhintay Qaraxyo iyo Rasaas toos ah oo lagu weeraray Masjid kuyaala Dalka Nageria

Daawo Sawirada:- ku Dhawaad 100-qof oo ku dhintay Qaraxyo iyo Rasaas toos ah oo lagu weeraray Masjid kuyaala Dalka Nageria

daajis.com:- Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qaraxyo iyo rasaas toos ah loo adeegsaday oo dabley hubeesan shalay salaadii Jimcaha xili lagu guda jiray kuqaadeen Masaajid kuyaala Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Nageria ee Kanu.

Weerarka masaajidka lagu qaaday ayaa ku bilowday qaraxyo xoogan oo loo maleenayo in ay ismiidaamin yihiin, waxaana xiligaa kadib xigay rasaas ay furayeen Kooxo Dabley ah oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin Dagaalyahanada Boka Haram.

Ku dhawaad 100-qof ayaa ku dhintay Weerarka lagu qaaday Masaajidka kuyaala Magaalada Kanu, waxaana Weerarkaasi ku dhaawacmay in kabadan 200-oo qof, weerarka ayaana dhacay xili ay socotay Khudbada Salaada Jimcaha.

Dalka Nageria qeybo kamid ah waxaa kusoo badanayay Weerarada Qaraxyada ah ee lagu qaado Goobaha lagu cibaadeesto, Iskuulada iyo waliba suuqyada, waxaana inta badan Weeraradaasi lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan Kooxda Boka Haram.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada