ISIS:- Oo gacanta ku dhigtay 2 Bilyan oo dollar iyo dagaal ka socda Kirkuk

ISIS:- Oo gacanta ku dhigtay 2 Bilyan oo dollar iyo dagaal ka socda Kirkuk

daajis.com:-Dagaal xoogleh ayaa ka socda gobalka Kirkuk ee waqooyi Bari dalkaasi Ciraaq, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan xoogaga Kurdida iyo Kooxda ISIL (ISIS).

Dagaalka ayaa ka socda nawaaxiga magaalada Kirkuk oo kamid ah goobaha qaniga ku ah Batroolka, waxaana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah oo la sheegay in boqolaal kun ay guryahooda ka baro kaceen.

Xoogaga Kurdida oo iyagu leh ismaamul gaar ah ayaa todobaadkii hore ka faa’iideystay dagaalka u dhaxeeyey ciidamada dowlada Ciraaq iyo ISIL, iyagoo xiligaasi la wareegay magaalada Kirkuk oo ay ka saareen ciidamada dowlada.

Kooxda ISIL ayaa hada dooneysa inay gacanta ku dhigto Kirkuk, halka xoogaga Kurdida ay doonayaan inay deegaankaasi gacanta ku hayaan iyagoo ka difaacaya xoogaga ISIL inay gudaha usoo galaan ismaamulka Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq.

Dhinaca kale Kooxda ISIL ayaa la sheegay inay dhaqaale badan gacanta ku dhigtay isla markaana lacag gaareysa 2 Bilyan oo dollar ay ka heleen bangiga magaalada Mosul oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen iyo magaalooyinka kale oo ay la wareegeen.

Kooxdan ayaa lagu tilmaamay inay hada noqotay kooxda ugu dhaqaalaha badan jabhadaha ka dagaalamaya caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada