Man United Oo Old Traffrod Ku Dubatay Hull City, Xili Ay Gaadhay Guusheedii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah

Man United Oo Old Traffrod Ku Dubatay Hull City, Xili Ay Gaadhay Guusheedii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah

daajis.com:- Kooxdas Man United ayaa gurigeeda Old Trafford cashar ugu dhigtay kooxda Hull City oo marti ugu ahayd. Red Devils ayaa guushan ku gaadhay 3:0, waxaana goolasha ukala dhaliyay Chris Smalling, Wayne Rooney iyo Robin Van Persie. waa kulankii sadddexaad oo xidhiidh ah oo ay Man United horyaalka guul ka gaadho.unitedd

Man United ayaa Old Trafford ku soo dhawaysay kooxda Hull City , United oo kulankii hore Emirates Stadium ku soo garaacday kooxda Arsenal ayaa kulankan ku soo gashay kalsooni buuxda.Van Gaal ayaa xal  uhelay dhibaatada difaaciisa haysata kadib markii uu Marcos Rojo ka soo laatbay dhaawac uu muddo u maqnaa. United ayaana doonaysay inays ii joogtayso qaab ciyaareedka ay dhawaan dib u heshay.

Daqiiqadii 14 aad ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray Angel Di Maria waxaana lagu soo badalay waxaana lagu soo badalay Ander Herrera,Di Maria ayaa u muuqday inuu muruqa dhaawac ka soo gaadhay balse isga oo socda ayuu ciyaarta ka baxay taas oo u muuqatay inuusan dhaawiciisu halis ahayn basle uu taxadar ka muujinayay inuusan xaalku ka sii darin.

Man United ayaana ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogleh,waxaana daqiiqadii 16 aad u suurtogashay inay la timaado goolka furitaanka, waxaana goolkaas u dhaliyay difaaceeda Chris Smalling.Goolka United ayaa ahaa mid uu muran ku jiro laakiin garsooraha ciyaarta ayaa tilmaamay inay gool tahay.


Man United ayaa dib u heshay kalsooni buuxda waxayna si rasmi ah ula wareegtay maamulka ciyaarta, waxayna si buuxda kubbada uga ilaaliyeen kooxda martida ahayd ee Hull City. Daqiiqadii 42 aad ayuu Wayne Rooney kooxdiisa u dhaliyay gool ka labaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay United hogaanka ku dheeraysatay. Kubbad  fiican oo uu soo joojiyay Robin van Persie ayuu Rooney joog hoose ku darbeeyay waxayna sidaa ku soo salaantay goolka Hull City.Goolka Rooney United u dhaliyay ayaa ahaa goolkiisii 8 aad sagaalkii kulan ee uu u saftay United iyo England.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid dhinac kaliya ka socotay, waxaana siday doonto ciyaarta ka yeeshay kooxda Man United. ugu danbayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:0 ay Man United ciyaarta ku hogaaminayso.

Qaybtii danbe ee ciyaaarta ayay United halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ciyaarta ku bilaabatay, waxayna daqiiqadii 67 ayuu markiisa shabaqa soo taabtay Robin van Persie, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Man United ku dhibaataynayso kooxda martida ahayd ee Hull City. Van Persie ayaana goolkaas culays wayn iskaga dulqaaday kadib markii uu eedayn wayn la kulmay kulankii Arsenal.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:0 ay Man United Old Trafford ku dubatay kooxda martida u ahayd ee Hull City, waa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah oo ay Man United guul ka gaadho horyaalka Ingiriiska, waxayna hadda Man United u muuqataa inay heshay qaab ciyaareed joogto ah. Man United oo horyaalka markii hore qaab ciyaareed liita ku bilaabatay ayaa hadda kalsooni buuxda haysata iyadoo saddexdii kulan ee horyaalka ugu danbeeyay ay guulaysatay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada