VIDEO:- Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak Dambi Lagu Waayay

VIDEO:- Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak Dambi Lagu Waayay

daajis.com:- Maxkamad ku taala dalka Qaahira ayaa wax dambi ah ku weeysey madaxweynihii hopre ee dalka Masar Xusni Mubaarak kaasi oo in muddo ah ay maxkamad ku socotey, taasi oo ku saabsanayn dil loo geystey dad banaanbaxyo dhigayay sanadkii 2011-kii ka hor inta aanan xilka looga tuurin kacdoon shacab.

Mubaarak iyo labadiisa wiil ayaa sidoo kale waxa ay maxkamadda sheegtey in lagu waayay dacwad la xiriirtey musuqmaamus shidaal loo dhoofinayay dalka Israa’iil.



Maxkamad rafcaan ah ayaa horaan u diidey xukun xabsi daa’in ah oo horey loogu xukumey Xusni Mubaarak oo 86 jir ah.

Xusni Mubaarak ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu amray dilka illaa 846 qof oo mudaaharaadayaal ahaa, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii sameeyey kacdoonka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada