Soomaali ka dagaalamayay dalka Suriya oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

Soomaali ka dagaalamayay dalka Suriya oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

daajis.com:-  Nin somali-british ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka geysteen magaalada Kobane ee xuduuda dalkaasi Suuriya la wadaago Turkiga.


Magaalada Kobane oo ay isku hor fadhiyaan dagaalyahanada kurdishka oo taageero cirka ah ka helaya Mareykanka iyo dagaalyahannada dowladda Islaamiga ee ISIS ayaa waxaa ka socda dagaal qaraar oo magaalada baabi iyay, waxaana lagu soo warramayaa in mudooyinkii u dambeeyay halkaasi ay ku dhinteen dagaalyananno muhaajiriin oo u badan kuwa wadamada reer galbeedka ka yimid.

Soomaaliga la xaqiijiyay in uu ku dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay "ABUU DHARDA", waxaana sida aay qortay jariiradda The indipendent uu dalkaasi Suuriya u safray bishii desember ee sanadkii tagay 2013, isagoona ka galay dalkaasi Turkiga.


Ma ahan markii ugu horeysay oo la shaaciyo in ruux soomaali ah uu ku dhinto dagaalada ka socda dalka Suuriya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada