War Deg Deg :- Bahda Saxaafadda oo loo diida in ay gudaha u galaan Xarunta Baarlamaanka

War Deg Deg :- Bahda Saxaafadda oo loo diida in ay gudaha u galaan Xarunta Baarlamaanka

daajis.com:- Qolyaha warbaahinta ayaa loo diiday inay gudaha u galaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, si aysan usoo tabin dhacdooyinka ka taagan xarunta Golaha shacabka


ee Magaalada Muqdisho, waxaana arintaasi ku wargeliyay Saraakiil la sheegay  inay Nabadsugida ka tirsan yihiin.


Bahda Saxaafadda ayaa waxa ay taagan yihiin banaanka hore ee xarunta Golaha shacabka, si xaqiiq ahna ulama socdaan waxa gudaha ka soconaayo, maadaama loo diiday inay galaan.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo kamid ah xubnaha diidan Mooshinka ayaa cambaareeyay tallaabada Saxaafada loogu diiday inay galaan  xarunta Golaha shacabka, waxaana uu sheegay in taasi ay tahay in Saxaafada aysan tabin waxyaabaha xaqiiqda ee xarunta Baarlamaanka ka soconaayo.

Xildhibaan Cabdi Bare wuxuu sheegay in Xildhibaanada mooshinka wada markii ay yimaadeen xarunta Golaha shacabka warqadaha mooshinka ay jeebka kala soo baxeen, isaga oo ku eedeeyay in xalay goor hore loo qaybiyay, taasina ay kala xisaabtami doonaan Guddoonka Baarlamaanka.


Waxa uu ku waramayaa in xarunta Baarlamaanka gudaheeda dhan ay daadsan yihiin warqado badan oo lagu jeex-jeexay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya weli gudaha uma uusan soo gelin xarunta Baarlamaanka, waxaana socda buuq iyo sawaxan xubnaha Baarlamaanka ay wadaan.

Xaalada xarunta Baarlamaanka ayaa aad u kacsan, waxaana suuragal ah in wax waliba ay  dhacaan oo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee diidan mooshinka ay sameeyaan maanta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada