Daawo:- Dagaal dhex maray Ciidanka Barre Hiirale & Markab dagaal oo Kenya

Daawo:- Dagaal dhex maray Ciidanka Barre Hiirale & Markab dagaal oo Kenya

daajis.com:- Dagaal mudo kooban socday ayaa dhex maray Ciidamada Col. Barre Hiiraale taabacsan iyo ciidamo saarnaa Markab dagaal oo Dowladda Kenya leedahay, kaasoo kusoo dhowaaday deegaanka Goobweyn, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkaan uu sababay dhimashada Xoolo ay dhaqanayeen dad shacab ah,  oo ku nool halka uu dagaalkaan ka dhacay oo ah xeebta deegaanka Sabca Ashraaf oo ka tirsan deegaanka Goobweyn, wuxuuna socday iska horimaadku muddo hal saac oo xiriir ah.

qaadir Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Barre Hiiraale, ayaa waxa uu xaqiijiyay in iska horimaad ay la galeen ciidan la socday markab nooca dagaalka ah, balse ma sheegin cidda ay yihiin.

C/qaadir, ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in markabka uu dib ugu laabtay goobtii uu ka yimid, isla-markaana aanu hadda joogin deegaanka xeebaha deegaanka Goobweyn.

Wuxuu mas´uulkaan ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale uu sheegay in dhinacooda wax khasaare ah soo gaarin, balse aysan ka war hayn khasaaraha gaaray markabka.Kenyan Navy 2Warar madax banaan, ayaa waxay sheegayaan in markabku ay la socdeen Ciidamada Badda Kenya, balse lama garanaayo ujeedada ka dambeysa in markabku ku soo dhawaado xeebaha Jubbooyinka

VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada