Daawo:- Duqeyntii diyaaraddaha Israa´iil ay ka geysteen Syria

Daawo:- Duqeyntii diyaaraddaha Israa´iil ay ka geysteen Syria

daajis.com:-  Diyaaraddaha dagaalka Srael ayaa duqeyn xooggan ka gaystay goobo ay bartilmaameedsanayeen diyaaradaha dagaalka oo ku yaal duleedka caasimada Dimishiq iyo goob u dhow garoonka diyaaradaha.

Duqeynta diyaaraddaha Srael ayaa geystay khasaare xoogan, iyagoo duqeeyay ilaa labo goobood oo la arkayay dab iyo ololka ka baxayay.


Maamulka Bishaar Al-asad ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Srael ay duqeyn ka geysteen labo goobood nabdoon. “Cadowga Israel wuxuu soo weeraray Syria isagoo bartilmaameedsanaya labo aag oo nabad ah kuna yaalla gobolka Dimishiq, labadaas goobood oo kala ah agagaarka Dimas iyo meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Dimishiq” warbixin laga baahiyey telefishinka al-Ikhbariya ee ku hadla afka dowladda ayaa sidaas lagu yiri.

Srael ayaa horay u duqeysay xarumo milateri iyo keydka hubka Dowladda Bishaar Al-asad, tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonada ka bilowday Syria.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada