Villa Somalia: Qabashada araajida musharaxiinta RW oo bilaabatay

Villa Somalia: Qabashada araajida musharaxiinta RW oo bilaabatay

daajis.com:- Madaxweynaha DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay wadatashiyo ku aadan soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee badali lahaa C/weli Sheekh oo baarlamaanka codka kalsoonida ka waayay, wuxuuna Xafiiska Madaxweynaha uu bilaabay in uu qabto araajida musharaxiinta dooneysa in ay xilkaasi qabtaan.

Musharaxiin badan ayaa tartan ugu jira sidii ay ugu guuleysan lahaayeen qabashada xilka Ra’iisul Wasaaraha Somalia, waxayna musharaxiintaasi uu mid walba ku tiirsan yahay koox gaar ah oo uu ololeyneysa.

Kullamo gaar gaar ah oo tan iyo xalay ka socday xarunta Madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa dhamaantood salka ku hayay wadatashiyo ku aadan cidda ugu macquulsan ee loo magacaabi karo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir

Kullamadan ayaa ahaa kuwo u dhaxeeyay Madaxweynaha, xildhibaanada baarlamaanka iyo siyaasiyiinta ku dhow Madaxweynaha, waxayna isla gorfooyeen dhowr musharax oo miiska u saaran Madaxweynaha, kuwaasi oo ah siyaasiyiin aad ugu dhow Madaxweynaha siyaasad ahaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan uu kusoo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare cusub, si uu isna si deg deg ah ugu soo dhiso xukuumad.

Xanta iyo hadal haynta siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda ayaa sheegeysa in xubnaha aadka loogu badinayo in Madaxweynuhu soo xusho ay mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah sii hayaha xilka Wasiirka Maaliyada, Saciid Dani Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta, C/raxmaan Xoosh Jibriil, Dr. Bashiir Nuur Bidaar Looyaan oo ka mid ahaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha u tartantay sanadkii 2012-dii iyo kuwa kale

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada