Xiisad ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ka jirta magaalada Jowhar

Xiisad ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ka jirta magaalada Jowhar

daajis.com:-  Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa saameyn culus ku yeelatay magaalada Jowhar kadib markii ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Jowhar guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku dhaawacantay qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada 4tii April 2012kii muddana ugu jiray isbitaal dhaawacii ka soo gaaray oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa yiri:

“Anigoo ku jira howl qaran qeybinayana gargaar loogu talogalay qoysas barakacayaal ah tuulada Geedobarkaan ayaa la ii sheegay in Jowhar uu yimid agaasimaha wasaarada arrimaha gudaha uuna aqriyay warqad kadibna iska tagay.”

Cali Cismaan Ibraahin guddoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku celceliyay inuusan diidanayn in uu xilka wareejiyo balse loo baahan yahay in si sharci ah loo soo maro.

Sidoo kale shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle waxana uu sheegay in hab sharci ah aan loo soo marin xil ka qaadista ay wasaarada arrimaha gudaha ku sameysay, waxana uu xusay guddoomiyaha degmada Jowhar in ay haystaan wareegto madaxweyne oo lagu soo magacaabay iyo sidoo kale wareegto madaxweyne oo sheegaysa in aan la bedeli karin lana magacaabi karin xil illaa wareegto ku soo baxda xeer madaxweyne.

Waxaa magaalada Jowhar ku sugan labada maamul iyadoo haatan weli xafiisyada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta maanta qabatay shirka jaraa’id.

Si kasta ha ahaatee hadal haynta ugu badan ee ka jirta magaalada Jowhar ayaa ah halka ay ku dambeyn doonaan mas’uuliiinta isku haysata maamulka gobolka iyo kan degmada Jowhar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada