Daawo:- Madaxweyne Xasan oo la kulmay Siilaanyo

Daawo:- Madaxweyne Xasan oo la kulmay Siilaanyo

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray dalka Jabuuti ayaa halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Jabuuti oo casuumaad u wada fidiyay labada Madaxweyne ayaa waxaa kullankan uu gogol xaar u yahay shir beri ka furmaya Jabuuti, kaasoo ku saabsan wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo mudooyinkan hakad ku jiray.

Somaliland ayaa horay ugu eedeysay Dowladda Federaalka Somalia in wada hadaladii socday ay ka meermeereyso isla markaana aysan diyaar u aheyn in ay sii socdaan wada hadalada labada dhinac.

Sanadkii hore ayaa labada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay ay ku kulmeen dalka Turkiga, kulankaasi oo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hadda ah Madaxweyne.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada