Q/Midoobay oo liiska madow ka saartay Sheekh Saciid Attam

Q/Midoobay oo liiska madow ka saartay Sheekh Saciid Attam

daajis.com:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa liiska cuna qabateynta ka saartay Hoggaamiyihii hore ee maliishiyada buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam oo horaantii sanadkan shaaciyay inuu ka baxay ururka Al-Shabaab, isla markaana qaatay nabadda.

Go’aanka Golaha amaanka ayaa waxaa soo dhoweeyay Dowladda Federaalka Somalia oo ku tilmaamtay inuu yahay guul usoo hoyatay inta nabadda jecel.

Sheikh-attamWasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay soo dhoweyneyso go’aanka Golaha Amaanka ee ka saarista liiska Argagixisada, isla markaana uu ahaa mid mudo soo socday oo Dowladda ay kasoo shaqeyneysay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.


Sheikh Maxamed Saciid Attam ayaa bishii Juun isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku dhawaaqay inuu isaga baxay fikirkii Al-Shabaab isla markaana qaatay Nabadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada