Daawo:- Muuqaalka xasuuqii Al-Shabaab ay ka fulisay Kenya oo lasoo bandhigay

Daawo:- Muuqaalka xasuuqii Al-Shabaab ay ka fulisay Kenya oo lasoo bandhigay

daajis.com:-  Wararka Mandheere ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar dhimasho badan ku qaadeen dad ka shaqeeyaa meelaha dhagxaanta laga qodo, xilli ay hurdayeen teendhooyin, saaka aroortii.

Kooxda oo la rumeysan yahay inay tahay Al-Shabaab ayaa dishay 36 qof, ayada oo qaar kalena la sheegayo in ay afduubatay. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Koromei oo 10 km u jira Mandheera. Waxaa sidoo kale jira dad dhaawac ah oo xaaladoodu ay aad u liidato.

Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in dadka ka dambeeyay ay kala saareen dadka Muslimka ah iyo kuwa aan aheyn, kadibna ay dileen kuwii aan muslimka ahayn. Intii Muslimka ahayd oo laba qof ahaa, waxaa la sheegay in lasii daayey.

Madaxa Booliiska David Kimaiyo ayaa xaqiijiyey weerarka, waxaana uu sheegay inay baxsadeen kooxihii weerarka ka dambeeyey. Waxa uu sheegay inaan la aqoon Kooxda, balse loo maleynayo al-Shabaab.

Dadka qaar ayaa lagu warramayaa in la gowracay, sida ay sheegayaan laamaha ammaanka. Goor sii horeysay oo xalay ahaydna, hal qof ayaa lagu dilay 13 kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Wajeer.

Al-Shabaab ayaa toddobaad ka hor waxa ay dishay 28 qof oo u badnaa macallimiin, kadib markii ay kala dagtay bas socday Mandheera.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada