Fadhigii baarlamaanka oo si nabad leh ku furmay & Mooshinkii ..

Fadhigii baarlamaanka oo si nabad leh ku furmay & Mooshinkii ..

daajis.com:-   Waxaa goordhow ku soo dhamaaday xarunta baarlamaanka kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo jawi wanaagsan ku soo dhamaaday.

Kulankan ayaa waxaa loo qeybiyay mooshinka looga soo horjeedo xukuumada Soomaaliya waxana ku dhowaaqay soo xiritaanka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa ay ahaayeen kuwo degen oo aysan ka muuqan wax colaad ah sidii labadii kulan ee ugu dambeeyay laga dareemayay.

Mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in xildhibaanada ay ka doodaan maalinta khamiista ah kulanka ku xiga oo dhacayana Sabtidana uu noqonayo mid cod loo qaado.xildhiban



Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo baarlamaanka kahor inta aan loo qaadin codka, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo in uu hortago baarlamaanka khudbadna uu ka jeediyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada