Al-Shabaab oo sheegatay 37 qof oo waaberigii lagu dilay Kenya

Al-Shabaab oo sheegatay 37 qof oo waaberigii lagu dilay Kenya

daajis.com:-  36 ruux ayaa lagu dilay weerar saakay waabarigii hore ka dhacay duleedka magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo aheyd goob dhagxaanta ama Kaawada laga qodo.

Sida ay sheegayaan dabley hubeysan ayaa leysay dadkan oo ahaa shaqaalaha Kenyanka ah ee dhagxaanta ka qodo meel duleedka ka ah Mandhera oo lagu magacaabo Korome.

“Waxaan ka xunahay in 36 qof oo kale in lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe dhacay, markii la weeraray meel 15-KM u jirta Mandhera oo ah goob laga qodo dhagxaanta”ayuu yiri Gudoomiyaha Magaalada Mandhera Ali Roba oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan dadka la dilay ay ahaayeen dad aan muslim aheyn oo isugu jiray dadka dhagaxaanta qodo iyo fuundiyaal.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ka dambeysay, waxaana war qoraal ah oo ay soo saartay ay ku cadeysay in weerarkan uu ahaa mid ay ugu aar-gudeysay dadka Muslimiinta ee ay horay kenya u leysay.


Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in howl galkan ay fuliyeen Guuto gaar ah oo loogu magac daray Saalax Nabhaan oo sanadkii 2009-kii ay Mareykanka ku dileen Shabeellaha Hoose.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay weerar dad badan lagu dilay ka fuliso nawaaxiga Mandhera, bishii hore ayay aheyd markii ilaa 28-ruux oo saarnaa bas u socday Nairobi la dilay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada