Daawo Sawirada:- Kulankii Baarlamaanka oo lasoo xiray iyo Xildhibaanada oo loo qeybiyay Mooshinka

Daawo Sawirada:- Kulankii Baarlamaanka oo lasoo xiray iyo Xildhibaanada oo loo qeybiyay Mooshinka

daajis.com:- Waxaa Goordhaw lasoo xiray Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen Magaalada Muqdisho kaa oo ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka uu ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya iyo Miisaaniyada Dowlada ee sanada 2015-ka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in ajandaha maanta kulanka uu qeyb ka ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka loo qeybiyo Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaana si caadi ah oo buuq laheyn loogu qeybiyay Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed iyo Xukuumadiisa .

Waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Fursad loo siiyay in ay soo aqristaan Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada, waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in Dooda Mooshinka ay bilaabaneyso maalinta Sabtida isla maalintaasina cod loo qaadayo Mooshinka.

Kulanka Baarlamaanka Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho oon waqti badan socon ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaana Xildhibaanada Baralamaanka wajiyadooda laga dareemayay sida ay ugu faraxsanaayeen in kulankooda uu si cadai ah u qabsoomo kadib sadax kulan ooh ore uu buuq iyo Foodo kusoo dhamaaday Kulamadii Baarlamaanka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada