War Deg Deg Ah Kulanka Baarlamaanka oo Goordhaw ka furmay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

War Deg Deg Ah Kulanka Baarlamaanka oo Goordhaw ka furmay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

daajis.com:- Waxaa Goordhaw si rasmi ah u furmay Kulanka ay maanta ku balansanaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulanka xaadir ku ah inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka oo goordhaw soo gaaray Xarunta Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u furay kulanka ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka leeyihiin kaa oo la filayo in loogu qeybiyo Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Kulanka uu si caadi ah u furmay, waxaana kulanka maanta Baarlamaanka leeyihiin laga dareemayaa in wax badan uu ka badalan yahay kulamdii lasoo dhaafay oo Foodo iyo Buuq kusoo dhamaaday.


Xildhibaanada ayaa la filayaa in maanta loo qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya , waxaana xildhibaanada la filayaa in ay dood ka yeeshaan Mooshinka iyadoona ugu dambeyn codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumada Maalinta Sabtida soo socota sida uu Gudoonku horey u shaaciyya.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada