DAAWO:- oo Akhri 5 qori gacmeed oo halsita ugu badan ku haya nolosha Aadanaha

DAAWO:- oo Akhri 5 qori gacmeed oo halsita ugu badan ku haya nolosha Aadanaha

daajis.com:- Inkastoo ciidamada casrigan jira ay adeegsadaan hubka halista ah, sida diyaaradaha, maraakibta, madaafiicda meelaha fog fog wax ka dila iyo kuwa kale, hadana waxaa dagaalka darani ka socdaa dhulka, waxaana dadka halaaga qoriga gacmeedka.

Ciidamada lugta oo adeegsada hubka fudud ayaa la sheegaa iney yihiin kuwa uu soo gaaro khasaaraha ugu badan. Haddaba waxaa jira 5 qori gacmeed oo halis ku ah nolosha aadanaha.


1- AK47: Qorigan uu sameeyey dalka Ruushka ayaa loo arkaa inuu yahay “Boqorka qori gacmeedyada” ee looga qeyb qaato dagaallada barriga, isagoo ah qori fiyoobi badan. Qorigaan oo ay ka dhacdo rasaas 7.62 mm ah waxaa si weyn looga adeegsadaa dalalka dunida saddexaad.

Nin u dhashay dalka Raashiya oo lagu magacaabo Mikhail Kalashnikov ayaa qorigaan alifay sanadkii 1947-kii, wuxuuna qorigaasi noqday qoriga rasmiga ah ee ay isticmaalaan ciidamadii Midowga Soofiyeeti ee kala burburay, wuxuuna ku faafay dunida siiba Afrika iyo Aasiya.

Qorigaan waxaa haataan ruqsad ay ka heystaan Raashiya kusoo saara dalal ay ka mid yihiin Yugoslavia, China, North Korea, Egypt iyo kuwa kale.

Nuucii ugu dambeeyey uguna casrisan ee “Ak – 74″  oo ay ka dhacdo xabad 5.45 mm ah waxaa haataan ku qalabeysan ciidamada dalka Raashiya. Mikhail Kalashnikov oo ahaa ninkii qorigaan soo saaray ayaa dhintay bishii December ee sanadkii 2013.

2- M16: Qorigaan waxaa markii ugu horreysay la alifay sanadkii 1956, waxaana maskaxdii soo saartay uu ahaa nin la oran jiray, Young Stoner, waxaana xiligaas lagu qalabeeyey ciidamada cirka ee Mareykanka, halka sanadkii 1965 la siiyey ciidamada dhulka.

Mareykanka ayaa qorigaan isbadel badan ku sameeyey, siiba wixii ka dambeeyey dagalkii uu la galay dalka Vietnam, waxaana wax lagu kordhiyey baaruuda rasaastiisa.

Qeybrii ugu dambeysay ee laga soo saaro qorigaan oo lagu magacaabo M16a ‘4’  ayaa miisaan ahaan dhan 3.99 KG, wuxuu gaari karaa ilaa 550 mitir.


3- Hl – 240: Qorigaan ayaa ah qori nuuca dhex ah, waxaan adeegsada ciidamada cirka iyo barriga ee Mareykanka, waxaana sidoo kale laga helaa 68 dal oo duniga ka tirsan.

Qoriga ‘HI 240′ ayaa loo arkaa inuu yahay koobi Mareykanku ku sameeyey qorigii ‘EN-MAG’ ee ay sameysay shirkadda Belgium laga leeyahay oo lagu magacaabo ‘Fabrique National’, taasoo sameysay kontomeeyadii qarnigii tegay.

Qorigaan ayaa xabadiisu gaari kartaa 650 mitir, waxaana culeyskiisu dhan yahay 12.25 KG, waxaana loogu talagalay inuu dad badan laayo.


4- PK Kalashnikov:  Qorigaan PKM waa qori aad loogu dagaalamo dunida oo dhan, waxaana sameeyey markii ugu horreysay ninkii Ruushka ahaa ee soo hindisay qoriga AK47 ee la oran jiray, Mikhail Kalashnikov.

Qorigaan oo qaata rasaas farabadan, wuxuu awood u leeyahay inuu dhaco muddo dheer, wuxuuna ka mid yahay qoryaha sida weyn loogu dagaalamo Soomaaliya.

5- OBZ: Qorigaan waxaa sameeya dalka Shiinaha, waana qori laga koobiyey AK47-ka dalka Raashiya, waxaana adeegsada ciidamada qalabka sida ee Shiinaha iyo booliska.

Qorigaan waxaa lagu naqsahdeeyey mabda’a ‘Paul Bob’ oo ah in riishadda laga hormariyo qasnadda, taasoo qoriga ka dhigtay mid aad u gaaban.


Xabadda ka dhacda qorigaan ayaa ah 5.8 mm, mana lagu isticmaalo meel aan dalka Shiinaha aheyn, waxaana qasnadiisu qaadi kartaa 30 xabadood.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada