Daawo:Jaasuus Axmed Max'med Cabdullaahi Faroole oo Wareysi Ku Faah Faahiyay Shaqadii uu U hayay Maamulka Puntland iyo arrimo Kale.

Daawo:Jaasuus Axmed Max'med Cabdullaahi Faroole oo Wareysi Ku Faah Faahiyay Shaqadii uu U hayay Maamulka Puntland iyo arrimo Kale.

daajis.com:-  Mu'asasada Al-kataa'ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa soo saartay xalqada 4-aad ee هم العدو فاحذرهم Waxaana lagu wareysanayaa Jaasuus horay uga tirsanaa Mujaahidiinta. 

Axmed Max’med Cabdullaahi Faroole oo bilo ka hor lagu dilay magaalada Baraawe kadib markii lagu helay in uu Jaasuus u ahaa maamulka Puntland ayaa kashifay xog muhiim ah oo ku aadan galaangalkii Puntland ku laheyd Ururkii Xisbul Islaam.

Halkan ka degso Filimka M4

Axmed Max’med Cabdullaahi wuxuu qirayaa in uu ahaa Jaasuus muddo sanada ah la shaqeynayay maamulka Puntland si uu ukeeno xogta mujaahidiinta gobolka Bari iyo guud ahaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Filimkan maqal iyo muuqaalka ah waxaa lagusoo bandhigayaa shaqada hay’ad gaaleedka Saracen ka heyso gobollada waqooyi Bari Soomaaliya "Puntland”.

Cabdi Fataax Max’med Cali oo katirsanaa Mas’uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ayaa isna ahaa Jaasuus u shaqeynayay maamulka Puntland iyo hay’adda Saracen wuxuuna ahaan Maskaxdii ka dambeysay in mujaahidiintu dhaxdooda is khilaafaan balse qorshahaasi ayaa fashilmay.


Wariye SomaliMeMo katirsan oo Filimkan daawaday wuxuu leeyahay "Jaasuuska uu Faroole adeerka u ahaa wuxuu daaha ka feyday xididdada sharta maamulka Garow uu mujaahidiinta Soomaaliya ku hayay”.

Sidoo kale Jaasuuska ayaa wareysiga uu bixiyay ku sheegay in Ururka Al Ictisaam ay culimo uyihiin maamulka Puntland islamarkaana ay wasiirro ku leeyihiin maamulka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada