Daawo Sawirada:- Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay Shirweynaha Beelaha baahida gaarka ah Qaba

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay Shirweynaha Beelaha baahida gaarka ah Qaba

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-12-2014 kaga qeyb galay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Shirweynaha u Qareemidda Beelaha Dulmiga Soo jireenka ah tirsanaya ee Dega Puntland.

Shirweynahaan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisan oo kale ah ee lagu falan qeeyo sidii looga hortagi lahaa dulmiga ay tirsanayaan Beelaha lahayb sooco hirgelintiisana iyo fikirkiisaba uu lee yahay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay,Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xasan Shire , Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , Waxgarad , Isimo ,Aqoonyahano saraakil ka socday beesha caalamka, Haween, Dhalinyaro, Gudoomiyaasha Gobolada Puntland, dad ka socday Beelaha dulmiga soo jireenka ah tirsanaya ee dega guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu uu lahaa go’aanka qabsoomida shirkaan ayaa khudbad dheer oo taariikhi ah ka jeediyey madasha kadib markii uu dhagaystay dhibaatooyinka ay tirsanayaan dadkaas waxaana uu sheegay in maanta ay tahay maalin loo baahan yahay in la toobad keeno lagana toobad keeno wixii dambi ahaa ee la soo gelayay ee gabood falka ahaa laguna sameeyey dad walaalaheen ah oo soomaali ah inala mid ah.

”Waxaan rabaa inaan maanta ku dhawaaqo in sanad walba Puntland maalinta Dicember tobankeeda inay noqoto maalintii toobad keenka iyo horumarinta dadka la hayb sooco ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Waxani waa dhaqan xun diina maahan , waa dhaqan liita kana soo horjeeda bini’aadanimada , waa dhaqan aan wax garowshiiyo ah aan lahayn inaba haleekaatee waana dhaqan xad gudub ku ah karaamada qofka bini’aadamka ah”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Dadka degan Xero Jaalle waxaan ugu bishaaraynayaa inay helayaan Ceelkii iyo iskuulkii ay iga codsadeen waana diyaar waa muhim in isbedel dhab ah lagu sameeyo xaaladooda iyo meesha ay ku nool yihiin dadkaa aniga madaxweyne ahaan waan kula xisaabtamayaa wasiiradayda waana ogyihiin waana u sheegay”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Hadaad maqashaan shaqo dawladeed oo la xayaysiinayo oo aan la oran waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa beelaha la haybsooco waxba kama jiraan, hadii ay soo heli waayaan wasiiradayda iyo agaasimayaashu, anaa aqaan oo soo helaya meesha ay joogaan dadkaas waana in ay ka muuqdaan shaqada dawladda”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala gudaha Puntland ayaa Madaxweyne Gaas waxa uu ku baraarujiyey in ay qoondo gaar ah ay ka siiyaan dadka la haybsooco heshiisyada iyo maalgelinta ay ka samaynayaan Puntland.

”Waxbarasho lacag la’aan ah ha noqoto , milatari ha noqoto, Boolis ha noqoto iyadana waa in qoondo gaar ah la siiyo oo weliba go’aan ayaa rajeynaynaa insha allah ”Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhabeeyey maanta balan qaadkiisii ahaa in Puntland uu ka hirgelinayo cadaalad loo siman yahay, waxaana ay noqonaysaa talaabo uu madaxweynuhu horay uga sii qaadayo fulinta balan qaadyadii uu sameeyey xiligii doorashada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada