VIDEO:- Nin feeray taksiile soomaali ah oo maxkamad lasoo taagay dalka Mareykanka: SAWIRRO

VIDEO:- Nin feeray taksiile soomaali ah oo maxkamad lasoo taagay dalka Mareykanka: SAWIRRO

daajis.com:- Booliska magaalada seattle ayaa xiray nin 26-jir mareykan ah kaas oo jir-dilay taksiile soomaali ah xilli ay ku wada jireen gudaha taksigiisa.


Taksiilaha soomaaliga oo lagu magacaabo Aadan Gaal, ayaa booliska u sheegay in ninkani iyo sadex kale oo midi dumar tahay uu ka soo qaaday maxaado ku taal Belltown, habeenimadii Axada, isagoona u waday adareyska  4200 block,  27th Avenue West.

Waxa uu sheegay taksiiluhu in intii uu wadada ku jiray uu ninkani aflagaado iyo hadalo cunsuriyeyn ah kala daalay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in uu yahay soo galooti islamarkaana ay khalad tahay in uu Amerika joogo iyo in uu argagixiso ISIS ah yahay, wuxuuna ugu hanjabay in uu askari yahay uuna tooganayo.

Feerka ayuu bilaabay kadib markii uu waqti qaatay kaarkii uu lacagta ku bixin lahaa, isagoona taksiilaha ka warhelay feer lagu daldalayo, taas oo sababtay in uu lumiyo kontrolka gaariga islamarkaana uu jiiro gawaari parkin yaalay, wuxuuna ugu dambeyn ku dhacay guri oo uu taksiga ka booday.

Taksiilaha ayaa sheegay in uu miir beelay markii feerka lagu waday, isagoona intaa raaciyay in noloshiisa uu wax sidan oo kale ah arag, khaasatan mudadii uu Mareykanka joogay.

Shaqada taksiga xilliga habeenkii ayaa ah mid khatarteeda leh, waxaana jira soomaali badan oo tagaasiiley ka ah gobolo kala duwan oo dalka Mareykanka ku yaal.

26-jirka wax feeray ee Mareykanka ah ayaa maxkamad lasoo taagay waxa ay ku eedeysay cunsurinimo, iyadoona falkani boolisku ku tilmaamay mid midabtakoornimo la xiriira.





 DAAWO WARBIXINTA:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada