Sawirro: Axmed Madoobe oo codsi hor dhigay Dowladda Ethiopia

Sawirro: Axmed Madoobe oo codsi hor dhigay Dowladda Ethiopia

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhaxeeya Ethiopia iyo maamulka Jubba, sidoo kale waxay ka wada hadleen wixii ka qabsoomay heshiiskii Addis Ababa ee dhex maray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in Axmed MAdoobe uu u bandhigay Wasiirka Arrimaha Dibada Addis sidii ciidamada Ethoipia qeyb ugu noqon lahaayeen ciidamada AMISOM ee ka howlgala Kismaayo isla markaana la isaga kaashan lahaa ciribtirka Al-Shabaab.



Waxaa kaloo la sheegayaa in masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba iyo Wasiirka Arimaha dibada Ethiopia ay isla garteen in Dowladda Ethiopia taageero ballaaran ay siiso Maamulka KMG ee Jubba, si maamulka uu ugu guuleysto xureynta deeganada ka maqan ee gacanta Shabaab ku jira.

Ethoipia ayaa waxay ka mid tahay Dowladdaha saameynta badan ku leh Siyaasadda Somalia, waxayna si weyn u taageertaa Maamulka KMG Ah ee Axmed Madoobe. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada