Hoggaamiyaha Al-Shabab oo dacwad ka kooban 6 qodob laga gudbiyey (Aqri)

Hoggaamiyaha Al-Shabab oo dacwad ka kooban 6 qodob laga gudbiyey (Aqri)

daajis.com:- Xog laga helaayo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegeysa in horjoogayaasha kasoo horjeedo Hogaamiyaha Maleeshiyada Abu Cubaydah ay warqad qoraal ah u gudbiyeen hogaamiyaha meylka adag ee ee Al-Qacida Dr. Ayman Muḥammad Rabi ”al-Ẓawāhiri”.

Sida ay xogtu tibaaxeyso warqada ayaa waxaa lagu qoray 6-qodob oo ka dhan ah Abu Cubaydah taasi oo ay ka cabanayaan Maleeshiyada Inteeda kale, waxaana kamid ah qodobada laga gudbiyay:-

1 – Inuu dayacay amaanadii loo dhiibtay (Hoggaanka ururuka).

2 – Inuu ka weecday wacadkii uu ku maray sii ambaqaadka waxa ay ugu yeeren Jihaadka.

3 – Ka seegseegida amarada laga sugaayay ee ku aadan weerarada xarumaha, safaaradaha, QM, AMISOM, DF iyo kuwa hay’adah akale.

4 –  Kala qeybinta maleeshiyada iyo bixinta xogaha Kooxda.

5 – Diidmada la dagaalanka DF Somalia, iyo dilalka qorsheysan ee kooxda.

6 – Waxa uu ka hor imaaday dhismaha gole sharci dajin iyo fulin oo Al-Shabaab ay yeelato.

Sidoo kale, Dacwadaani laga gudbiyay Abu Cubaydah loona gudbiyay ”al-Ẓawāhiri”, ayaa waxa ay barbar soctaa Dacwad taa lamid ah oo Seddex asbuuc ka hor laga gudbiyay Koox ay kamid ahaayen Mahad Kartaa, Cali dheere, Kabakutukade, Abuu Cabdala.


Dacwooyinka is xigxiga ee gaaraya Hogaanka sare ee Alqacida ayaa waxa ay muujineysaa kala irdhoobida Maleeshiyada iyo Khilaafka ka dhextaagan, inkastoo ay socdaan Fadhiyo lagu xalinaayo dhamaan Arrimaha ku xeendaaban Khilaafka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada