Dagaal:- Magaalo Qarka u saaran in la isku dhameeyo+Sababta?

Dagaal:- Magaalo Qarka u saaran in la isku dhameeyo+Sababta?


daajis.com:- Muran dhinaca Maamulka ah ayaa ka taagan Magaalada Hoozingow ee Gobolka Jubada hoose kaasi oo ka dhashay Gudoomiye cusub oo Maamulka Jubba uu u magacaabay Magaaladaasi.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday oo la yiraado Aadan Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid sharci daro ah islamarkaana Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Mamaulkaasi Cabduqadair Luga dheere uu gadaal ka riixayo Mamaulkan cusub.

Aadan Ibraahim oo sii hadlay ayaa sheegay inuu ku dagaalamayo sidii usii maamuli lahaa Magaalada hoozingow ,isagoona sababata Maamulka cusub loosoo magacaabay ku sheegay qorshe leysaga horkeenayo Beelaha halkaasi wada daga.

Madaxda maamulka Kmg ah ee Jubba wali war kama aysan soo saarin Xiisada ka taagan Magaalada Hoozingow ee dhinaca Maamulka ah sidoo kale xiriir aan la sameynay Gudoomiyaha cusub ee Magaaladaasi loo magacaabay nooma aysan suurtagalin in aana helno.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada