Senate-ka Mareykanka oo soo Bandhigaya Warbixinta CIA Taas oo Walaac Dhalisay.

Senate-ka Mareykanka oo soo Bandhigaya Warbixinta CIA Taas oo Walaac Dhalisay.

daajis.com:- Xafiisyada diblomaasiyadeed iyo xarrumaha milatari ee Mareykanka ayaa amnigooda si weyn loo adkeeyey maanta iyadoo Aqalka Senate-ka ee Mareykanka uu isku diyaarinayo inuu soo bandhigo warbixin muddo dheer la sugayey oo faahfaahineysa hababka ay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA u sameeyaan xog wareysiga dadka ay soo qabtaan tan iyo markii ay dhaceen weeraradii bishii September 11 sannadkii 2001.

Warbixintan oo ka kooban 6,000 oo bog ayaa si qoto dheer u sharaxaysa xeeladaha ugu daran ee hay’addu isticmaasho sida in dadka lagu hayo qolal aad u yar yar, hurdada oo loo diido, adeegsiga biyaha iyo qaab u eg in dadka biyaha lagu dhex quusiyo.

Saraakiil ka tirsan maamulka madaxweyne Obama ayaa walaac ka muujinaya warbixintaasi oo ay sheegeen in haddii la soo bandhigo ay dhici karto in la soo weeraro danaha Mareykanka. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa khadka telefonka kula hadley madaxa guddiga senate-ka ugu qaabilsan sirdoonka, Diane Feinstein, isagoo kala xaajooday fal celinta ka dhalan karta warbixintan..


Afhayeenka Aqalka Cad Josh Earnest ayaa saxaafadda u sheegay shaley in la qaadey talaabooyin wax ku ool ah oo lagu adkeynayo ammaanka dhammaan hay’adaha Mareykanka haddii ay dhacaan rabshado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada