Diyaarad hub wada oo dalka Nigeria muran ka abuurtay

Diyaarad hub wada oo dalka Nigeria muran ka abuurtay

daajis.com:-  Dowlada Ruushka ayaa sheegtay inay iyadu leedahay diyaaradii hubka waday ee lagu qabtay magaalada Kano ee dalka Nigeria, inkastoo ay horay u sheegtay in diyaaradaasi aysan lahayn.

Sarkaal ka tirsan safaarada Ruushka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in diyaaradasi uu Ruushku leeyahay ayna hub u waday ciidamada nabad ilaalinta ee Faransiiska ee jooga dalka Chad.

Diyaarada ayaa weli ku xayiran garoonka magaalada Kano waxaan jira shaki weyn oo laga muujinayo halka ay diyaarada u socotay iyo cida iska leh hubka saran. Arimaha la is weydiinayo waxaa ka mid ah sababta uu Faransiiska u isticmaalayo diyaarad Ruush-ka uu leeyahay waa hadii uu jiro warka sheegaya in hubka loo waday ciidamada Faransiiska. Sidoo kale waxa ashaki laga muujinayaa sababta diyaarada ay u martay magaalada Kano ee dalka Nigeria.

Dalka Nigeria waxaa saran cunaqabatayn xaga hubka ah. Dalkaasina waxuu dagaal kula jiraa kooxda Boko Xara moo ilaa hada haysata in ka badan 200 oo gabdhood oo afduubteen. Magaalada Kano ee diyaarada lagu hayo dhowaan waxa aka dhacay qarax ismiidaamin ah oo qof naftiisa huray uu misaajid ku dilay dad ka badan 100 qof.

- BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada