VIDEO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Baydhabo

VIDEO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Baydhabo

daajis.com:-  Madaxweynaha maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya Shariif Xasan Shekh Aadan ayaa wuxuu ku hanjabay in Al Shabaab ay ka saarayaan deeganada Gobolada Baay iyo Bakool ay ka joogaan.

Isaga oo ka hadlaayay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo la geeyay qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo, ayaa Madaxweynaha Maamulka saddexda Gobol, wuxuu tilmaamay in Shabaab umadda Soomaaliyeed ay dhibaato aad u xoogan ay ku hayaan.


Wuxuu sheegay in maamulkiisa ay u diyaargaroobeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Shabaab, isaga oo qeexay in ka taqalusida Shabaab ay la kaashanayaan caalamka sida uu yiri.



“Dadaal badan ayaan sameynaynaa anagoo la kaashanaynaa caalamka iyo umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamadeena iyo kuwa Amisom, waxaan rajeynayaa Shabaab hada waa laga adkaaday inaan sii dhameystirno oo meelaha Goboladeena ay ka joogaan aan ka saarno”Ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Maamulka saddexda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in Xoogaga Shabaab aysan aheyn dad lasoo dhaweysto oo walaal laga dhigto, wuxuuna tusaale usoo qaatay qaraxyadii ay ka geysteen Baydhabo ee dadka ay ku xasuuqeen.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada labo qarax oo baabuur iyo Ismiidaamin loo kala adeegsaday oo habeenkii Jimcaha ka dhacay meel maqaayad ah oo dadka ay isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo, waxaana Shabaab ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen saraakiil dowladda ka tirsan.

Dadkii ugu darnaa dhaawacyada kasoo gaareen qaraxyadii Baydhabo ayaa shalay la keenay Magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad Muqdisho loogu dabiibo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada