Facebook oo 7 maalmood la xanibayo isticmaalkiisa (sabab lama filaan ah)

Facebook oo 7 maalmood la xanibayo isticmaalkiisa (sabab lama filaan ah)

daajis.com:-Aas aasaha Shabakada isku xidha bulshada ee Facebook ayaa shaaciyey in mudo todobaad ah uu xayirnaandoono Facebook.

Mudoadaas ayaa lagu samayn doonaa farsamayn wax lagaga badalayo qaabka uu u shaqeeyo oo culays badani ku yimid, isla markaana laga gali kari waayey aaladaha casriga ah ee lagu qaato gacanta, ayadoo dhanka kale walaac laga qabo heerka uu yahay amaankiisu.

Facebook ayaa ka mid noqday waxyaabaha bulashooyinku aadka ugu xidhiidhaan, sidoo kale waxa uu noqday meel dadku aad ugu welfaan (addicted) oo aanay la’aantii daqiiqada joogi karin.

Facebook ayaa lagu isticmaalaa luqadaha aduunka ugu isticmaalka badan, hase ahaatee sida Google wali ma yeelan qayb Af-Soomaali ah.

Facebook ayaa hawada ka maqnaan doona laga billaabo 1da bisha January ee sanadka fooda inagu soo haya (2015) ilaa iyo maalinta 8aad ee bishaas Janaayo.


Sidaa waxa xaqiijiyey ninka da’da yar ee aasaasay Facebook ee la yidhaa Mark Zuckerberg oo sheegay in waji cusub oo kordhin doona tirada dadka ku soo xidhmaya.



Facebook ayaa qiimihiisu yahay in ka badan boqol bilyan oo doolar, waana aalada internet-ka ugu qaalisan abid la arko, ayadoo sidoo kale aaladda ugu dadka macaamiisha badan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada