DEG DEG: Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug oo ka badbaaday qarax gaari oo Gaalkacyo ka dhacay

DEG DEG: Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug oo ka badbaaday qarax gaari oo Gaalkacyo ka dhacay

daajis.com:-Guddoomiye ku-xigeenka koobad ee gobolka Mudug,Farxaan Cali Xirsi ayaa ka badbaaday isku dey dil,kaddib markii gaari uu watay lugu xiray waxyaabaha qarxa.


Qaraxaan ayaa ka dhacay meel ku dhow talista qaybta booliska gobolka Mudug iyo saldhiga booliska,waxaana loo maleynaya in horay loogu diyaariyay qaraxa gaariga lugu xiray oo noocisu ahaa,NOAH.

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray guddoomiye ku-xigeenka oo u waheliyay ruux kale oo isna dhaawacmay,maamulka gobolka iyo laamaha ammaanka wax war ah wali kama aysan soo saarin.

Sarkaal ka tisan Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo la dhigay dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka waxuu u sheegay Raxanreeb dhaawac fudud inuu soo gaaray.


“Waa dhaawac fudud lug baa ugu daran,gaarigiisa lugu qarxiyay xilli uu marayay waddada laamiga ah ee ku dhow taliska qaybta booliska Mudug,”ayuu yiri Cali oo ka mid ah saraakisha isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Kooxina ma sheegay mas’uuliyadda weerarka.

Waxii ku soo kordha kala soco Shabakada Daajis

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada