Saraakiil Katirsan Booliska Mareykanka oo Lagu Dilay Magaalada New York.

Saraakiil Katirsan Booliska Mareykanka oo Lagu Dilay Magaalada New York.

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidan booliska katirsan. 

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa sheegay in laba sarkaal oo booliska katirsan lagu toogtay bartamaha New York wuxuuna weerarkaasi ku tilmaamay mid argagaxiso.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Nin hubeysan uu rasaas ku furay saraakiisha xilli ay dul saarnaayeen mid kamida gaadiidka booliska kadibna uu goobta ka baxsaday.

Warar kale ayaa sheegaya in ruuxa weerarka geystay isna la toogtay,xaalad cabsi leh ayaa durbadiiba laga dareemay magaalada New Your oo ay kuyaalaan xarumaha Q.Midoobe iyo saldhigyo waaweyn oo ciidanka Mareykanka leeyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada