Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo farrin u diray dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo farrin u diray dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan

daajis.com:-Jaawari ayaa wali aaminsan dhallinyarada Soomaalida ah ee ka bar bar dagaallamaysa Al-shabaab inay yihiin kuwo saxmi kara,waxuuna ugu baaqay inay isaga soo baxaan kooxda oo loo arko inay khatar ku tahay amniga dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tusay dhallinyarada inay joogan dalkooda oo xor ah,waxuuna way diiyay cida ay la dagaallaayaan,isagoona sheegay inay ka faa’ideystan cafiska oo ay isaga soo baxaan islaamiyiinta ka dagaallamaya dalka.

Waxuu ugu baaqay inay dhigaan qoriga oo ay dowladda faderaalka Soomaaliya isku soo dhiiban,maadaama uu sheegay wali inuu furan yahay cafiskii loo fidiyay cida ka soo tagaysa Al-shabaab.

“Dowladda haddii aad ku soo biirtaan waxaa la idiin siinayaa waxbarasho iyo Daryeel,Bal isweydiiyay Sababta idin ku kaliftay in aad Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah aad u dileysaan,”ayuu yiri Maxamed.

Hadalkan guddoomiyaha waxaa uu ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo loogu dabal-degayay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo 71 sanno jirsaday.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda ayaa dhowr mar warbaahinta u mariyay dhallinyarada ka garab dagaallamaysa Al-shabaab inay fursad u helayaan isi soo dhiibida dowladda,iyagoo helaya nolal dhameystiran oo an wal wal lahayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada