War Deg Deg:- Dabley Hubeysan oo gaari ku qafaashay duleedka Lamu, kadibna sii daayay markii ay Ashahaateen

War Deg Deg:- Dabley Hubeysan oo gaari ku qafaashay duleedka Lamu, kadibna sii daayay markii ay Ashahaateen

daajis.com:-Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weeraray Gaari dadweyne ay la socdeen, kaasoo marayay duleedka magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Gaariga ayaa waxaa la socday ilaa 50-ruux dad gaarayay, kuwaasoo ka yimid magaalada Mombasa, kuna sii jeeday deegaanka Lamu oo ilaa 100-KM u jira Xuduuda Soomaaliya.

Dableydan ayaa gaariga rasaas kaga furay taayarada baabuurka, kadibna ku amray dadkii saarnaa inay soo degaan, hase ahaatee dhamaan dadkii saarnaa ayaa ashahaatay, aqriyayna aayado quraan.

Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo lagu magacaabo Abarufa Kokane ayaa sheegay in dhamaan dadkii gaariga la socday ay Muslim noqdeen, markii ay gebigood wada ashahaateen.

“Waxaan u qaadanay inay aheyd maalintii dunida noogu dambeysay, dadka rakaabka ah intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin, waxay ku qeyliyeen Shahaadada, iyo aayado qur’aan, taasi oo ugu yaraan keentay in kooxdii hubeysneyd ay u wada qaataan dadkoo dhan inay Muslimiin yihiin”sidaas waxaa yiri Mr Kokane oo ka mid ahaa dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa.

Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Lamu Fredrick Ndambuki ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AFP inay baadigoob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay weerarkii Sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Witu oo 50-KM u jira Lamu.

Bishii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sheegatay weerar lagu qaaday dad saarnaa gaari bas ah, iyadoo dadkii rakaabka ahaa u kala socday Muslim iyo kuwo aan muslim aheyn, waxaana la dilay ilaa 28 ruux.

Sidoo kale 36 ruux oo ahaa dadka dhagxaanta ka qoda duleedka magaalada Mandhera ayaa isla bishii hore la dilay, iyadoo weeraradan ay dhaliyeen in dadka aan muslimka aheydn ee Kenyanka ku sugnaa Mandhera iyo hareeraheeda inay isaga cararaan.

Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka geysaneysay gudaha Kenya, waxayna weerarada sababeen inuu faraha ka baxo ammaanka Gobolka waqooyi Bari Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada