Nicholas Kay”Dastuurka Soomaaliya Afti ayaa loo qaadayaa 2015-ka”

Nicholas Kay”Dastuurka Soomaaliya Afti ayaa loo qaadayaa 2015-ka”

daajis.com:-Muddo dheer kaddib Soomaalida ayaa cod u qaadi doona dastuurkooda,bilo ka dib,sida waxaa sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Waxuu sheegay inay doonayaan sidii shacabka Soomaalida ay afti ugu qaadi lahaayeen dastuurka,marka la gaaro 2015 oo ay wax yar ka harsan-yihiin,waxuuna hadalkan jeediyay xilli u ka hadlayay waxqabadka xafiiska howlgalka UNSOM ee Soomaaliya.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxuu ku ammaanay xafiiska uu madaxda ka yahay wax badan inuu ka qabtay Soomaaliya sanadkan sii dhamaanaya ee 2014.

Nick Kay ayaa sheegay in dalka oo idil afti dadweyne looga qaadayo dastuurka marka lagaaro sanadka 2015 ,islamarkaana doorashooyin lafilayo sanadka 2016 in ay kadhacaan dalka oo idil.

“Waxaan aad u ammaanayaa hormarka dhanka Federaalka ,Sameynta Maamul goboleedyada ,taa oo rajo dhab ah siineesa Soomaaliya si loo gaaro doorashooyinka 2016”.

Eergayga ayaa sheegay in sanadkan 2014 UNSOM iyo AMISOM in ay isbadal sare kasameeyeen Soomaaliya taa oo wax badan ku caawisay Soomaaliya in ay gaarto.

Nicholas Kay ayaa sheegay in 12 bilood ee lasoo dhaafay uu xafiiska UNSOM xarumo kafurtay afar magaalo oo dalka katirsan ,taasina ay tahay hormar laqaaday.

Ugu dambeyntii Ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee Somalia Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay ka go’antahay in ay kusii sugnaadaan Soomaaliya si dadka iyo dalka Soomaaliya ay u caawiyaan.

Arrinta la ogyahay ayaa ah inay adkan doonto afti guud o loo qaado dastuurka dalka,balse tan iyo bur burkii markii ugu horreeysay ayay noqon haddii shacabku ay cod u qaadan dastuurkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada