Hay’adaha Amaanka iyo Amisom oo Xalay ku kulmay Muqdisho (Sawirro)

Hay’adaha Amaanka iyo Amisom oo Xalay ku kulmay Muqdisho (Sawirro)

daajis.com:- Shir deg deg ahaa oo Xalay ka dhacay Muqdisho, ayaa looga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya iyadoo ay ka qeyb-galeen dhammaan hey’daha ammaanka Qaranka, AMISOM iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Nabad-Sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayey Taliyaha ciidammada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka General Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare (Cumda), iyadoo ay saraakiisha sarre AMISOM shirkaasi ka soo qeyb-galay ay soo gudbiyeen war-bixinno amniga la xiriira , waxaana u jeedada shirka uu ahaa laba arrimood oo kala ah soo bandhiggidda howlagallo si gaar ah ay ciidammada Nabad-Sugidda uga fuliyeen Muqdisho oo lagu dhabar jabiyey Al-Shabaab iyo hadafka guud ee howlgallada xasilinta ee dalka ka socda.

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kaddib, ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, waxa uu yiri.

“ shirkaan caawa ka dhacay Muqdisho, waxaa uu ahaa shir lagu soo bandhigay in hey’daha ammaanka Somalia ay burburiyeen saddex shabakadood oo argagagixisada ay shacabka ku dhibaateynayeen, seddexdaasi shabakad waa midda amniyaadka ee Al-Shabaab, shabakadda gawaarida dadka lagu dilo oo laga hortagay lana burburiyey iyo weerarrada iyo Qaraxyada kuwa abaabula”.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in hey’daha ammaanka ay ka hortageen weerarro ay damacsanayeen argagixisada iyo qaraxyada ay soo maleegayeen Al-Shabaab.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa yiri “ Shacabka Soomaaliyeed waxaan u cadeyneynaa in Al-Shabaab awoodooda la bur-buriyey, isla markaana eysan suuragal aheyn in ay sameeyaan ficil argagixiso, waxaan gacan saar weyn la leenahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada dalka oo dhan, taasi ayaana keentay in lagu guuleysto wijiga koowaad ee howlgalka xasilinta dalka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shirar isdaba joog ah oo lagula xisaabtamayo laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka ay la leeyihiin degmooyinka iyo gobollada dalka maamullada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool si taageeradooda looga faa’ideysto kaddibna tallaabo looga qaado argagixisada Al-Shabaab.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada