Madaxwayne Obama Oo Wacad Ku Maray In Maraykanku Ka Jawaabayo Weerarka Internetka Ee K/Woqooyi

Madaxwayne Obama Oo Wacad Ku Maray In Maraykanku Ka Jawaabayo Weerarka Internetka Ee K/Woqooyi

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray in dalka Maraykanku uu jawaab ka bixinayo weerarkii xagga internetka ee lagu soo qaaday shirkadda Filimada ee Sony taas oo FBI ay ku eedaysay inay ka dambeeysay Kuuriyada Woqooyi.


Madaxweyne Obama ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu jeedinayey khudbadda sannadka dhamaadkiisa uu jeediiyo, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in shirkadda Sony lafteedu ay khalad samaysay kaas oo ahaa inay joojiso baahinta filim majaajilo ahaa oo khiyaali ahaa, kana hadlayey khaarajin lagu samaynayo hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un, taas oo keentay in dadka weerarka soo qaaday ay ku hanjabaan haddii la sii daayo inay weeraro kale geysanayaan.



Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu u dhega-nugul yahay walaaca ay qabaan shirkadda Sony hase ahaatee wuxuu yidhi ma nihin bulsho ay qaar ka mida dadka keli-taliyayaasha ahi ay dhulkooda wax ku faaf-reebi karaan. Wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan cid ku wehelinaysay Kuuriyada Woqooyi weerarkan dhinaca Internetka ee lagu soo qaaday dalkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada