Dumar oo la ogaaday in ay isbedelaan guurka ka dib maxey tahay sababtu?

Dumar oo la ogaaday in ay isbedelaan guurka ka dib maxey tahay sababtu?

daajis.com:-sida ay aamin san yihiin qeyb ka mid ah bulshada soomaaliyeed dumarka ayaa isbedela  guurka ka dib  iyadoo taas siyaabo kala duwan loo sababeeyay.


1- Marka hore been baa lagu shukaansaday, soomaalidu waxay dhahaan (NAAG BEEN BAA LAGU SHUKAANSADAA RUNBAA LAGU DHAQAA) hadalkan sax ma waxay ahayd in la dhaho (NAAG RUN BAA LAGU SHUKAANSADAA BEEN BAA LAGU DHAQAA) maxaayeelay haddaad u soo sheegto gabadha aad guursan rabto been marka guriga la keento runta ay aragto mar dambe kuma aaminayso waxaa ku dhacaya niyad-jab


2- marka la is shukaansanayay ayaa laga badbadiyay jacaylka oo qof kasta wuxuu iska dhigay inuu midka kale si daran u jecelyahay xaqiiqaduna sidaa ma ahayn, marka aqalka laysla galay dhabtii baa la isla arkay.


3- marka la is shukaansanayo nimanka qaarkooda waxay siiyaan gabdhaha ballamo ayna ka soo bixi karin marka la is guursado wixii oo dhan waa iska iloobayaan.



4- gogosha iyo raaxada guurka in la isla fahmi waayo middaan ayaa ugu daran naagaha ma sheegan karaan baahida sariirta, xishoodka ayaa ka tan badan, middaan si deg deg ayay u keentaa furriin, ama khiyaano naagta inay nin kale raadsato haddii Alle ka cabsi uuna jrirn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada