Meydka Gabdho la gowracay oo lagu arkay…..

Meydka Gabdho la gowracay oo lagu arkay…..

daajis.com:- Maamulka degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay dilal gowrac ah oo loo geystay labo haween ah oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi Tayeeglow ee gobolka Bakool.

Cali Cabdi Nuur Iimaan, gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo amaanka ee degmada Tayeeglow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gabdhahaasi ay ahaayeen kuwo laga yaqaano degmada, ayna gowraceen Alshabaab.

“Waxaa lagu gowracay meel 5 km u jirta degmada, magaalada ayaa lagala baxay waxayna ku gowraceen halkaasi, Alshabaab ayaa ka dambeeyay, gabdhaha xoogaa yar waxay u dhawaan dowlada oo saldhiga ayay ka tirsanaayeen”.


“Gabdhaha waxay daganayeen meel ku dhow saldhiga, oo magaalada meel laga soo galo ayay degenaayeen”ayuu yiri Cali Cabdi Nuur Iimaan gudoomiye ku xigeenka amniga Tayeeglow.

Gudoomiye ku xigeenka Tayeeglow, ayaa sidoo kale sheegay inay sameeynayaan hadda baaritaano ay kusoo qabanayaan dadkii ka dambeeyay gowraca loo geystay gabdhahaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada