Video: Dowladda Somalia oo la wareegtay maamulka Hawada

Video: Dowladda Somalia oo la wareegtay maamulka Hawada

daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay mas´uuliyadda maamulka Hawada Soomaaliya, kadib heshiis ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada.

Heshiiskaan oo uu saxiixay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Saciid Jaamac Cali `Qoorsheel` ayaa sheegay in howshan ay kula wareegeen maamulka Hawada Soomaaliya sidii ay ula soo wareegi lahaayeen ay aheyd mid meel fog kasoo bilaabatay, isla markaana aaqirkii lagu guuleystay.

Wuxuu sheegay Wasiirka in wixii hadda ka danbeeya maamulka Hawada Soomaaliya Mas´uuliyadeeda ay leedahay, isla markaana aan laga xukumi doonin Nairobi.heshiis4Wuxuu sheegay in hadda Dowladda ay ku guda jirto sidii loo dhameystiri lahaa, sidii Muqdisho looga qaban lahaa howsha, isla markaana looga soo rari lahaa, iyadoo lagu guda jiro dhismaha buu yiri Towerkii hagi lahaa diyaaraddaha isticmaala hawada Soomaaliya, qalabkii lagu dhameystiri lahaana uu yaal Talyaaniga.


Wuxuu sheegay in heshiiskaani uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana ay rajo ka qabaan in Soomaaliya ay noqon doonto dalka ugu hormarsan hagida diyaaraddaha ee Africa, sida uu dhigayo heshiiskaani.

Wuxuu kaloo sheegay in xuquuqda dadkii Soomaaliyeed iyo dadka kale ee mudada burburka ka shaqeynayay Nairobi in ay xaquuqdooda siin doonaan, maadaama ay mudo soo shaqeynayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada