Itoobiya oo kordhisay qiimaha ay ku bixiso dal ku-galka dalkeeda

Itoobiya oo kordhisay qiimaha ay ku bixiso dal ku-galka dalkeeda

daajis.com:- Dowladda Itoobiya ayaa sare u qaaday qiimaha Fiisaha dal ku galkeeda, kadib war qoraal la wada gaarsiiyay guud ahaan Safaaraddaha ay ku leedahay dunida, waxaana uu sharcigan cusub dhaqan geli doonaa 10-ka bishan December.

Qiimaha lagu kordhiyay Fiisooyinka dal ku galka Itoobiya ayaa noqonaya mid labajibaaran marka loo fiiriyo qiimihii hore lagu bixin jiray. Waxaana horay Fiisaha halkii bil lagu bixin jiray in ka yar 20 Dollar, waxaana laga dhigay hadda 40 Dollar, halka Fiisaha Saddexda bilood ee ah nooca gelitaanka keliya (3 Months single entry) wuxuu noqonayaa $60 (lixdan dollar), Fiisaha saddex bilood gelitaanka dhowr jeer (3 Months multiple entry) uu ka noqonayo $70 (Todobaatan dollar).

visa-ethiopiaWakiilka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Mulugeta Anagaw, ayaa sidoo kale shaaciyay in maalinta Arbacada oo ku beegan 10-ka bishan December la kordhinayo qiimayaasha fiiseyaasheeda kala duwan ee dal-ku-galka ee safaaradaha dalka Itoobiya ku leedahay guud ahaan caalamka.

Itoobiya ayaa waxaa dhaqaale fara badan kasoo gala dalxiisayaasha iyo dadka kale ee arrimaha gaarka u taga gobolada Itoobiya oo Soomaalida ay ka mid tahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada