Shacabka Muqdisho oo xalay arin la sugayay sameeyay

Shacabka Muqdisho oo xalay arin la sugayay sameeyay

daajis.com:- Shacabka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Baar Ubax ayaa sameeyay arin aan horay looga baran, kadib markii ay ku dhiiradeen nin dhalinyaro ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo qarax bambaano ku weeraray fariisin ciidamada Dowladda kuna guuleysteen in ay qabtaan isla markaana jirdil u geystaan.

Ninkani ka tirsan Al-Shabaab ayaa qarax bambaano ku weeraray ciidamo fariisin ku leh agagaarka Hotel Salaama, kadibna isku dayay inuu baxsado, hase ahaatee waxaa daba dhigtay oo ka hari waayay Askari ka tirsan Nabadsugida oo aan hubeysnayn, balse caawinaad uu ka helay shacabka kadib isku duubay, kadibna shacabka kusoo xoomay oo jirdil xun u geysteen.

shacaabCiidamo ka tirsan Nabadsugida oo goobta soo gaaray ayaa shacabka kala wareegay ninkaasi, waxayna ku rideen gaari Kaarib ah oo ay ula dhaqaaqeen godka Jilacow.

Tallaabadani ayaa ah midii ugu horeysay oo shacabka Muqdisho ay muujiyaan inay ku dhiiradaaan maliishiyada Shabaab ka tirsan ee qaraxyada ka geysta xarumaha dowladda iyo fariisimaha ciidamada, waxayna tallaabadani ay cabsi gelin u tahay kooxaha kale ee qorsheynaya inay falal noocaani ah ka geystaan magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada