Pope Francis oo Muslimiinta u baaq u Direy

Pope Francis oo Muslimiinta u baaq u Direy

daajis.com:-  Baadariga kaniisadda Vatican-ka, Pope Francis, ayaa u sheegay hogaamiyayaasha muslimiinta caalamka inay si cad u hadlaan oo ay cambaareeyaan wax uu ku tilmaamay argagixisada magaca Islaamka ku dagaalameysa.

Kaddib markii uu ka noqday safar uu ku tagay dalka Turkey-ga, halkaas oo uu kula kulmay wadaadka ruuxiga ah ee hogaamiyaha u ah kaniisadaha Orthodox ee bariga, Pope-ka waxa uu tilmaamay in uu fahmay waxa Muslimiinta xumeynaya inay tahay Islaamka lala xiriirinayo argagixisada.

Pope ka ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dalka Turkiga, wuxuuna kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa “argagixisada” sii fideysa.

Waxa uu tilmaamay in cambaareynta ka imaaneysa hogaamiyayaasha diimaha, Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ay gacan ka geysan karto ka hortagga xanta hafridda ee islaamka ka dhanka ah.

Asigoo weriyayaasha kula hadlaayay diyaarad dhexdeeda, waxa uu baadariga Pope Francis sheegay in ficillada argagixisada aysan ka turjumeynin Islaamka.

“Naceybka Islaamka, waa run marka qof uu arko waxa ay ku dhaqmayeen argagixisada, maahan gobolkan oo keli ah, balse sidoo kale Afrika xitaa, waxaa jiro jawaabahan ama falcelintan: “Haddii tani ay Ismaalnimo tahay, waan xanaaqayaa”. ayuu yiri baadiriga ugu sareeya Vatican-ka.


Wuxuuna intaa ku daray “Dad badan oo Muslimiin ah ayaa ka xumaanaya, xanta looga soo horjeedo Islaamka, waxayna dhahayaan “anagu ma ahin sidaan, sababtoo ah Quraanka waa diin Islaam. Waxa uu nabi Maxamed SCW uu sheegay waa nabad. Hadaba argagixisada Islaam maahan.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada