Daawo Sawirada Daacish oo Gacanta ku dhigay Haweeney Heesata Dhalashada Israa'il oo Dagaal kala soo horjeeday

Daawo Sawirada Daacish oo Gacanta ku dhigay Haweeney Heesata Dhalashada Israa'il oo Dagaal kala soo horjeeday

 Daajis.com:- Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Haweeney heesata Dhalashada Israa'il iyo Dalka Canada, taa oo ka bar bar dagaalameysay Xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Kooxda Daacish.


Haweeneyda gacanta u gashay Kooxda Daacish ayaa horey uga mid aheed Ciidamada Yahuuda Israa'il , waxa ayna noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo Reer Galbeed ah ee ku biirta Xoogaga Kurdiyiinta ee Dagaalada kula jira Kooxda Daacish.


Haweenaydan oo lagu magacaabo Gill Rosenberg ayaa go'aansatay in ay ku biirto xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Daacish, waxa ayna haweeneydan marar badan barteeda Facebooka soo dhigtay sawiro ay isaga soo qaaday furumaha dagaalka iyada oo ka bar bar dagaalameysa Dagaalyahanada Kurdiyiinta.



Dowlada Canada ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado warka ay baahiyeen Xoogaga daacish ee la xariira in ay gacanta ku dhigeen Haweeneedan heesata Dhalshada Dalkeeda iyo tan Israa'il.

Dalalka kuyaala Yurub iyo Mareykanka waxaa ka tagay dad doonayay in ay ku biiraan Xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Kooxda Daacish, hasa ahaatee haweeneydan Daacish gacanta ku dhigtay ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay oo reer galbeed ah oo lagu qabto Dagaalada kasocda Ciraaq iyo Siiriya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada