Al-Shabaab: Qof kasta oo Muslim aheyn ee Kenya waa dileynaa

Al-Shabaab: Qof kasta oo Muslim aheyn ee Kenya waa dileynaa

daajis.com:- Al Shabaab ayaa weli ku hanjabaya inay bartilmaameed ka dhiganayaan dadka aan Muslimka aheyn ee udhashay dalka Kenya, kuna sugan gudaha dalkaasi, xilli Shabaab todobaadkii lasoo dhaafay ay dileen 28-ruux oo Kirishtaan ah, kadib markii wadada ay u galeen baabuur ay saarnaayeen dadkaasi.

Guddoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Gedo Sheekh C/raxmaan Sayid oo u waramay Idaacada taageerta Al-shabaab ee Al-Furqaan, ayaa sheegay in khasaarihii ka dhashay weerarkii Mandheere todobaadkii hore uu ahaa mid yar oo aan sidaasi u buurneyn, balse hada ay qorsheynayaan inay gaarsiiyaan dhibaatooyin ka culus kuwii hore.

Sheekh C/raxmaan Sayid ayaa si rasmi ah u cadeeyay in qorshaha bartilmaameedkooda uu yahay inay beegsadaan qof waliba oo aan muslim aheyn oo ku sugan gudaha dalka Kenya.

dhibaatada shacabkeena ay u geysanayaan waan u aareynaa, kooda Kirishtaanka ah ee Iskuulka dhigaayo iyo kooda socda ee aan Muslimka aheyn ayaan bartilmaameedsaneynaa,Qofkasta oo aan muslim aheyn oo Kenya ku nool bartilmaameed ayaan ka dhiganaynaa”Ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sayid Guddoomiyaha Shabaab ee Gobolka Gedo.

Hoggaamiyahan ayaa intaa hadalkiisa ku daray in mar waliba oo ciidamada Kenya dhibaato loo geysto ay ka aargutaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeeyaan shacabka masaakiinta ah, sidoo kalena ay laayaan xoolaha, kadibna ay Warbaahinta ka sheegaan inay dileen Shabaab.


Ugu dambeyn Sheekh C/raxmaan Sayid ayaa kula dar-daarmay maliishiyada Ururka Shabaab inay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, si buu yiri gabdhaheena Soomaaliyeed ee la dhibaateynaayo loogu aargudo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada